Abwaan Abshir Bacadle oo lagu wado in la aaso maant

Sunday October 10, 2010 - 19:06:56
1 Comments
2346
Super Admin

Allaha u naxariistee Abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacadle” oo kamid ahaa abwaaninta Soomaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho, abwaanka ayaa la sheegay in maalmahan dambe uu soo wajahay xanuuno.

Abwaan Abshir Bacadle oo tiriyay gabayo badan oo isugu jiray diini, wacyigalin iyo guubaabo ayaa da’diisu ahyed 64 sano, waxa uuna ku dhashay deegaanka Mustaxiil ee Somalida Ethopia, markii uu soo barbaaray wuxuu bartay cilmiga diiniga isagoo markaa kadib noqday ganacsade ka shaqeysta gobolada Waqooyi Galbeed iyo mudug, wuxuuna muddo ka shaqeynayay dalka Sacuudiga.

Waxyaabaha lagu xusuusto Abshir Bacadle waxaa ka mid ah qeybtii uu ku lahaa kacdoonkii shacab ee sanadkii 2006dii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay kula wareegeen midowgii Maxaakiimta, isagoo isla sanadkaasi loo doortay gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaliyeed oo uu ahaa illaa hadda.

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ka tirsan golahiisi abwaaniinta ayaa sheegay in Marxuunku uu kaalin ku lahaa dadaallo badan oo lagu dhisay Masaajiddo, laguna caawiyay dad barakacayaal iyo kuwa aan wax heysan isugu jiray intii uu noolaa.

sidoo kale waxa uu Abshir Bacadle ka mid ahaa dadkii ka soo horjestay dagalladii fitnada ahaa ee bilowday markii ay baxeen ciidmada Ethiopia, isagoo ka horyimid dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka Dowladda ka soo horjeeda iyo ciidamada Dowladda inkastoo markii dambe uu la aamusay fekerkaasi cabsi soo wajahday owgeed.

Bacadle ayaa llaga hayaa sidoo kale gabayo wacyi gelin ah oo uu ka mid yahay gabaygii uu ugu magic daray “Qaadoow Adigaa Leh” oo si weyn uu ugu faahfaahiyay khatarta uu leeyahay Qaadku.

Maanta ayaa la rajeynayaa in la asturo meydka Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle.

Related Items

Comments


Leave a comment