Mourinho oo looga gacan haatinayo Manchester iyo qubanayaal kale

Tuesday November 09, 2010 - 20:32:46
0 Comments
2777
Super Admin
Jose Mourinho oo lala xiriirinayo booska Roberto Mancini ee naadiga Manchester City.

Tababaraha Naadiga Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxaa uu kusoo baxay badalka Bartilmaamedka booska tababarnimo ee tababaraha naadiga Manchester city Roberto Mancini.

Inkastoo uu beeniyay Tababare Mancini inuu jiro qilaaf ka taagan booskiisa iyo mustaqbaliisa kooxda ayaa waxaa soo baxaya cadaadisyo xoogan oo uu la kulmayo macalin Roberto Mancini oo ku aadan xilka macalinimo ee kooxda Man City.

Milkiilaha kooxda Man City Sheekh Mansour ayaa sheegay inuu xiiseeno kaliya hal tabababare haddii uu kooxda isaga tago tababare Mancini wuxuuna ku sheeegay halka macalin ee uu ku badali karo Mancini inuu yahay Jose Mourinho.

Mas’uul sare oo ka tirsan naadiga Man City ayaa sheegay inay kooxda xiiseenayso tababare Miisaan leh kaasi oo kooxda u hogaamin kara guulo dhanka koobabka ah.

Maamulka naadiga Manchester city ayaa lagu wadaa inay kulan qaataan oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa qeybta tababarka kooxda Man City oo dhaliiil xoogan ka taagan tahay.

Wax sir ah kama dhigin maamulka kooxda Man City inay doonayaan Jose Mourinho isla markaana uu badal u noqon doonno tababaraha reer Talyaani ee Jose Mourinho.

Waxaa jira dhaliilo sheegaya in lagu guul daraysanayo u dhaqaaqidda tababare Jose Mourinho kaasi oo haatan ku sugan kooxda weyn ee Real Madrid.

Sheik Mansour wuxuu sheegay inuu u adeegsan doonno dhanka jeebkiisa sidii uu ku keeno lahaa Jose Mourinho oo uu kaga soo dhaqaajin lahaa kooxda Real Madrid halkaas oo uu ku sugan yahay isagoo aanan laga badinin tan iyo markii uu noqday tababaraha Real Madrid.

Sidoo kale tababarihii hore ee kooxda Aston villa Martin O’Neill ayaa lagu soo waramayaa inuu ku jiro liiska tababarayaasha lala xiriirinayo jagada tababare Roberto Mancini ee kooxda Man City.

Sidoo kale waxay Man City isku dayi doontaa Tababaraha Tottenham Harry Redknapp haddii ay weyso Jose Mourinho.

Chelsea oo doonaysa weeraryahanka kooxda NEWCASTLE'S ANDY CARROLL.

Naadiga ah horyaalka ingiriska Chelsea aya waxay hogaaminaysaa loolanka loogu jiro weeeraryahanka kooxda NewCastle Andy Carroll kaasi oo la sheegay inay ku badali doonaan booska Didier Drogba.

Andy Carroll waxaa lagu qiimeyaa 15 milyan oo gini,waxaana si weyn u jecel xidigaan Andy Carroll tababaraha Chelsea Carlo Anceloti kaasi oo aaminsan inuu ku haboon yahay kooxda Chelsea weeraryahankan xoogan ee Andy Carroll.

AC Milan oo qorsheynayo inay 75 milyan kusoo iibsato labo xidig u ciyaara Liverpool iyo Manchester utd.

Naadiga ac Milan ayaa waxay doonaysaa inay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Liverpool Fernando Torres iyo xidiga garabka kooxda Manchester utd Nani.

Gudoomiyaha ac Milan Silvio Berlusconi ayaa ku taageeraya tababare Massimiliano Allegri sidii uu kusoo iibsan lahaa xidigahaan.

Silvio Berlusconi wuxuu sheegay inuu bilaabayo waayo cusub oo kooxda ac Milan ay yeelato.

Ac Milan ayaa waxay soo bandhigtay lacago dhan 75 milyan oo gini waxayna dib u habayn ku samayn doonaan xulka da’da ah ee ac Milan.

Ac Milan ayaa waxay doonaysaa xidigo kale waxana kamid ah Edin Dzeko, Lille xidig u ciyaara oo lagu magacaabo Eden Hazard iyo daafaca Real Madrid Raul Albiol

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment