Magaalada Boston oo Maanta Siwayn Looga Ciiday Munaasabada Ciidul Al-Adxaa . Daawo Sawirada Ciida

Tuesday November 16, 2010 - 19:52:55
0 Comments
3549
Super Admin
Sh. Yusuf iyo Dhalinyarada Boston
Sh. Yusuf iyo Dhalinyarada Boston
Waxaa Maanta siwayn looga ciiday Magaalada Boston halkaas oo ay iskugu imaadeen Ummada Islamka ah ee ku dhaqan Magaalada Boston gaar ahaan Bulsha waynta Somaliyeed. Munaasabada Ciid Al-Adxa oo kadhacday Staduim wayn ee Regie Lewis ayaa kamid mid ah 3da ciidood ee kaliya ay Dinteena Suubani noo jideeysay ayaa ahayd mid ay ummada Islamka iskugu ducaynayee in Allah uu Sanadkan Kiisa Kale Nolol iyo Barwaaqo kuwada gaarsiiyo.

Dadwaynaha iskugu soo baxay fagaaraha Ciida ayaa waxaa kamuu qatay Farxad iyio Rayn-Rayn aad usaraysay taasoo fursad usiinaysay qaar kamid ah inay arkaan ehelkooda oo isbuucyo ama muddaba aysan is arag.

Waxaa dhamaan ummada Islamka Meel kasta ay jogaan Allah u waydiinayaa in Sanadkaan Kiisa Kale uu nagu wada gaarsiiyo Barwaaqo iyo Caqiido Suuban, Gaar ahaan Bulsha weynta Somaliyeed waxaa Allah ka baryeynaa in dhulkeena Hooyo uu noo nabadeeyo kala danbayn iyo maamul wanaag ku dhisan cabsida allah si dag dag ah noogu dhaliyo. Amin
























Related Items


Leave a comment