Burtinle: Xoghayahii dagmada burtinle Xaafid C/risaq ayaa maanta xilka wareejiyey

Thursday November 25, 2010 - 18:26:25
0 Comments
3061
Super Admin
Xoghayahii Dowlada hoose dagmada Burtinle Mudane Xaafid C/risaaq Cali ayaan maanta xilka waeejiyey ka dib markii isbuucii hore laga qaaday xilka xoghayta Dowlada Hoose ee dagmada Burtinle.

Xoghayayaha ayaa xilkaas hayey mudo, asaga oo la soo shaqeeyey gudoomiyayaal kala gadisan ee soo maray Dagmada Burtinle oo uu ka mid yahay Gudoomiha hada xilka haya Mudane Axmed Khaliif Faarax

Xogahaya ayaa maanta xilka wareejiyey ka dib marka xilkaas loo soo Magacaabay Mudane Axmed-Nuur Maxamed Warsame oo ka mid ahaa Xildhibanada Deegaanka Burtinle

Wareejinta xilka ayaa waxaa joogay xubnaha Sar sare ee dagmada Sida Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waxaana ay ka dhacday xil wareejinto Xarunta Maamulka Dagmada Burtinle/
M.A. Gele

Related Items


Leave a comment