Gudiga Gargaarka Barlamanka oo eedeyay Wasiirada Xukuumadii hore.

Friday November 26, 2010 - 19:57:32
0 Comments
2220
Super Admin
Muqdisho:Gudiga Gargaarka Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa musuq maasuq ku eedeeyay wasiiro ka tirsan Xukuumadii hore, isagoo dhinaca kalana ugu baaqay Barlamanka in ay ansixiyaan Xukuumada si shacabka ay dhibaatada uga saarto.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga gar gaarka bini’aadanimada Barlamaan KMG Somaliya xilibaan Cismaan Aadan Dhuubow oo wareysi siiyayBurtinletimes ayaa waxa uu ugu baaqay xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya inay joojiyaan is qab qabsiga u dhaxeeya ee ku aadan anisixinta Xukuumadda islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku ansixiyaan Xukuumada Cusub si wax uga qabato dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo daafaha Muqdisho.

Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in ansixinta Xukuumada ay hortaaganyihiin wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Ra’iisul wasaare Sharma’arke, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in hadii la ansixiyo xukuumada cusub ay wax ka qaban doonto xaaladda dadka barakacayaasha ah maadaama uu sheegay in qorshayaasha ay soo bandhigtay xukuumada ay ka mid tahay in xero kasta oo barakacayaal ah ay u direyso dad masuuliyiin ah oo kormeer ku sameeya.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka gudiga Gargaarka Barlamanka KMG Soomaaliya waxaa uu sheegay in lacago farabadan oo gar gaar ah oo beesha caalamka ay ugu talagalay dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan koofurta Soomaaliya inay lunsadeen wasiiro ka tirsan Xukuumadii hore kuwaasi oo loo baahanyahay in lala xisabtamo.

Inkastoo xukuumadii Ra’iisul wasaare Farmaajo intii xilka ay heysay ay la kulantay eedeymo isdaba joog ah oo ku aadan xagga dhaqaalaha, amniga, iyo gargaarka ayaa hadana waxaan la ogeyn waxaa ay ka badli doonto xukuumada cusub arimahaasi hadii ay ansixiyaan xildhibaanada Barlamanka oo haatan ku kala fakir duwan qaabka loo ansixinayo xukuumada
wariye A H Abdi

Related Items


Leave a comment