China Oo Malaayin Doolar Ugu Deeqday Ciidanka AMISOM

Saturday November 27, 2010 - 12:55:14
0 Comments
1362
Super Admin
Dawladda wadanka Shiinaha ayaa lacag malaayin doolar ah ugu deeqday Ciidanka kasocda Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan dalka Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika Gu Xiaojie ayaa lacag gaaraysa $1.32-milyan doolarka maraykanka ay soo dhiibtay Dawladda Shiinaha ku wareejiyey masuuliyinta Ururka Midowga Afrika.

Munaasabad ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya gaar ahaan xarunta Midowga Afrika ayuu Safiirka lacagtaas ku wareejiyey Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

Safiirka Shiinaha ee dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in Dawladda Shiinaha ay taageersantahay howlgalada nabad ilaalinta uu Ururka Midowga Afrika wado isla markaana lacagtaas loogu talagalay in lagu dardar geliyo howlaha nabad ilaalinta ah.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jean Ping ayaa isna u mahadceliyey lacagta ay Dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM,wuxuuna sheegay in ay ka faa’ideysan doonaan.

Ururka Midowga Afrika ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay taageero u fidiyaan Ciidanka AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment