Mogdisho: Xukumada Farmaajo oo waqti yar ka hor la ansixiyey

Saturday November 27, 2010 - 16:47:30
0 Comments
1137
Super Admin
Xukumada Cusub ayaa waqti yar ka hor la ansixiyey ka din markii cod aqlibayad leh lagu anxisiyey asaga oo uu shirku ka qabsoomay Xarunta Golaha dhacabka waxaan halkaas ka maqnaa raisal wasaare Maxamed C/laahi oo ay joogeen Xubno matalaya o ka tirsan xukumada La ansixiyey

Kulankii barlamanka saaka ka furmay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada barlamanka waxa ay markii hore ka doodeen habka codeynta, waxaana la isku raacay in barlamanka xukuumada ugu codeeyo si gacantaag ah. Waxaana markaasi la gudagalay u codeynta xukuumada cusub.

inka badan 250 xildhiabaan ayaa ogolaansha siiyey xukumada Cusub ee Raisal wasaare Farmajo waxaan diiday xildhibano gaarya 99 xildhibaan halkaas ayaana waxaa ku ansaxmay xukumada tirda yar ee Mudane Farmajo

Gudoomiyaha barlamanka ayaa markaasi ku dhawaaqay in xukuumada raisul wasaare Farmaajo ay ansax tahay, waxaana markiiba sacab iyo mashxarad ay hareeyeen hoolkii barlamanka ee shirku ka socday.

Kulanka maanta ma uusan joogin raisul wasaaraha hase yeeshee waxa dhinaciisa u wakiil ahaa wasiirka arimaha dibada Maxamed C/laahi Oomar iyo xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada ee cusub.

Ansixinta maanta ayaa timid ka dib toddobaadyo buuq iyo isqabqabsi siyaasadeed uu hareeyey barlamanka taasoo kala geysay madaxda sare ee dowlada. Waxaana ansixinta ka dib la filayaa in xukuumada ay guda gasho hawlaheeda.


Burtinletimes kala soco

Related Items


Leave a comment