Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay madaxweynihii hore Farmaajo

Tuesday January 23, 2024 - 19:21:38
0 Comments
84
ahmed raajaa
QATAR
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mira dhalinta dadaaladii deyn cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Labada masuul ayaa meel uga soo wada jeestay xaalada guud ee dalka iyo sidii loo wada difaaci lahaa damaca guracan ee dalka Itoobiya.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment