Naimrobi: Madaxwayne C/raxman Farole oo la kulmay midowga yurub maanta

Saturday November 27, 2010 - 19:00:01
0 Comments
1277
Super Admin
Madaxwaynaha Maamulka somaliyeed ee Puntland MUdane C/raxaman Shiikh Maxamed Maxamuud iyo wafti sare oo in dhawaynd ku sugnaa Dalka kenya caadumadisa Nariobi ayaa kulan heer saraa la yeeshay Madaxda Wadamada Yurub u fadhiga Keyna ayaga oo isla falanqeeyey xalada Puntland ugu dambayntii Is afgarad ku soo gabagabobay shirkodi

Shirkaasoo ka dhacay xartuna ay ku lee yihiin UE-du magaalada Nairobiayaa aad looga hadlay xaaladda Somaliya halka uu marayo khilaafka soo kala dhexgaley madaxda sareeedawlada TFG-da iyo mugdiga soo kala dhex galay Dawlada Puntland iyo TFG-da.

Shirkan oo ahaa shirkii uguweynaa oo ay madaxda Puntland iyo Safiirada Midowga Yurub ay kaga wada hadlaan Arimaha Soomaaliya Iyo weliba Puntland. Diblumaasiyiintareer yurubayaa si heer sare ah usoodhoweeyey Madaxda Puntland.

Madaxwaynaha Puntlandwaxaa waftigiisa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulahi Axmed Jama (Ilko-jiir), wakiilka dawladda Puntland u fadhiya dalka Kenya Prof. Maxamed Xasan Bare (Shimbiro-laaye), iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxwaynaha.

Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay xaalad lagu wadan qanacsan yahay oo ay kala dhaxleen EU iyo Punland is afgarab wanagsan

Burtinletimes

Related Items


Leave a comment