Mogdisho: shir qaas ah oo Raisalwasare Farmajo iyo Wasiiradiisa uga socda Mogdisho

Sunday November 28, 2010 - 16:40:37
0 Comments
1045
Super Admin
shir qaas oo aan saxaafada loo ogolayn ayaa ka socda caasumada kaas oo ay ku shirsan yihiin xarunda Dowlada Raisalwasare Maxamed C/laahiFarmajo iyo Wasiiradiisa ayaga oo aan la ogayn waxa u noqondoono hase ahaate la filayo in warsaxafadeed ka soo baxo waqti dhow

Shirkan oo aan la ogayn waxa uu u jeedkiisa yahay isla markaane loo diidey inay saxaafada ka qayb gasho ayaa yimid ka gadaal markii uu casuumaad u sameeyey wasiiirada cusub Riisul wasaare Maxamed Cumar Farmaajo iyagoo guud ahaane ka qaby galay.


Xukuumadan cusub oo shaley ku guulaysatay codka kalsoonid baarlamaanka ayaa waxaa la filayaa inay masuuliyiinta ka arinsanayaan sidii ay ka yeelli lahaayeen howsha baaxadda wayn ee hortaalla.


Balse iyadoo haatan wali uu socdo shirku ayaa la filayaa marka uu dhamaado in warsaxaafadeed ka soo bixi doono xafiiska riisul wasaare Farmaajo oo ku saabsan kulankaas albaabaha u xeran yihiin


Kulankan oo ah kii ugu horeeyey oo fool ka fool ah oo ay yeeshaan golaha wasiirada cusub oo qaarkood shalay galinkii dambe lee soo gaareen magaalada Xamar, hase yeeshee la arki doonee waxa ay la soo ifbaxdo xukuumadan cusub oo ah mid nuuceeda ah tii ugu horeysay dhawaanada oo aqoon yahano intaas la eg ku jiraan.

Related Items


Leave a comment