Mogdisho: Xisbul islaamoo hanjabad kulul u jeedisay Dowlada iyo Amison

Monday November 29, 2010 - 09:39:42
0 Comments
2021
Super Admin
Kooxda Xisbul islaam garabka Shiikh Aways ayaa war baahinta u sheegay in uu laba jibaarmi doono dagaalka ay kula jiraan dowlada iyo xulufadeeda afhayeenka xisbul islam garabka Shiikh xassan Daahir , Shiikh Caruus ayaa waxaa uu hajabaadiasa ku tilmamay Madaxwane Msavani ee dalka Uganda oo asagu si kadis ah ku soo gaaray Magalada Mogdisho Maalintii shalay waqti yar ka dibna ka duulay
Afhayeenka howlgalada Xisbul Islaam ayaa waxaa uu soo hadal qaaday booqashadii shalay magaalada Muqdisho uu ku yimid Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani, waxaana uu sheegay in imaashiyaha Madaxweynaha dalka Uganda ay la xiriirto sidii uu niyadda ugu dhisi lahaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo waliba in uu soo booqdo ciidamada AMISOM ee lasoo dhamaystiray isagoo tilmamay in ay ladagaalami doonaan ciidamada Udambeeyay ee la keenay Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata Afhayeenka howlgalada Ururka Xisbul Islaam garbaka Xasan Daahir Aways ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay in shacabka Soomaaliyeed ay iska difaaci doonaan dhibaatooyin uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay ka gaystaan Muqdisho, waxaana hadalkiisa sii raaciyay in AMISOM ay ku fashilantahay howlgalkii ay u timid gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa iyagu hore waxaa ay ugu baaqeen in ay diyaar ay u yihiin joojinta dagaalada ka socda magaalada Muqdisho hadii ay ogalaadaan dhinayada kasoo horjeeda, hase ahaatee hanjabaadaani kasoo yeertay Xisbul Islaam garabka Xasan Daahir Aways ayaa waxaa ay meesha kasaaraysaa rajada lagu helo karo in ay wada hadlaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment