Uganda: Ciidamo somaliya oo Uganda ugu soo dhamaday Tababar

Tuesday November 30, 2010 - 11:29:48
0 Comments
1998
Super Admin
Ciidamo ka tirsan Dowlada FKM ee soomaliya ayaa waxaa wadanka Uganda ugu soo idlaadan Tababar kuwaas o dhawaan la filayo inay u boqoolaan wadanka somalia Caasumadiisa ay ku bateen Dagaalka Joogtada ee aan meel gaara aan lahayn dhibtiisuna wada saamaysay dhamaan umada SOmaliyeed
Ciidamadan ayaa la xaqiijiyey inay tababaro aad u muhiim ah ku qateen dalka Uganda,waxaana la sheegey inay ciidamadaasi hadda wixii ka dambeya u ruqaansan doonaan gudaha wadanka soomaaliya.

Ciidamada hadda ka hor ayaa laga qaadey wadanka soomaaliya,waxaana loo qaadey wadanka Uganda Iyadoo diyaar ah inay ka qayb qataan dagaalada ka dhanka ah kooxaha mucaaradka.

Ciidamadani waxay doonayaan inay qayb ka noqdaan ciidamada dawlada FKM ah ee soomaaliya,waxaana ciidamadaasi hadda doonayaan inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan xiisado colaadeed.

Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay in hadii ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ay dagaallo adag la geli doonaan kooxaha dawlada & amisom ka soo horjeeda.

Kala soco wararka oo dhan waqti walba
www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment