Buuhoodle: Shirka nabadayta beelaha ku dagalamay Kashale oo ka bilowday Maygaale

Wednesday December 01, 2010 - 09:25:15
0 Comments
1487
Super Admin
Shir Lagu Heshiisiinayo Beelaha ku Dagaallamay Degaanka Kalshaale oo ka Furmay Tuulada Maygaagle Ergooyin ka socda Puntland oo ka qaybgalaya shirka nabadaynta labada beelood
Kulan ballaadhan oo lagu nabadaynayo beelaha walaalaha ah ee dhowaan ku dagaallamay degaanka Kalshaale, ayaa ka furmay shalay tuulada Maygaagle oo ka tirsan degmada Buuhoodle.

Kulanka nabadaynta waxa ka qaybgalaya in ka badan boqol xubnood oo isugu jira salaadiin, boqorro, garaaddo, cuqaal, waxgarad iyo weliba odayaal ka kala tirsan labada beelood ee dagaalku dhexmaray.

Shirkan ka furmay tuulada Maygaagle oo ku taal gudaha xuduudka dalka Itoobya, ayaa lagu dhaarinayaa 50 xubnood oo ka kala socda labada beelood ee colaaddu ku dhexmartay degaanka Kalshaale, kadibna waxa loo gudbi doonaa sidii ciidamada dhinacyada ee weli is-horfadhiya loo kala qaadi lahaa, isla markaana loogu kala celin lahaa degaannada Qorulugud iyo Buuhoodle.

Ergada nabadaynta iyo dhexdhaxaadinaya beelahaas oo uu horkacayo Suldaan Cismaan Suldaan Cali, ayaa waxa halkaa kaga biiray madax-dhaqameedyo kale oo ka yimi dhinaca Maamul-goboleedka Puntland, kuwaasoo doonaya inay ka qaybqaataan heshiisiinta beelaha ku diriiray Kalshaale, iyadoo ciidanka Qaranka Somaliland-na ay si weyn u adkeeyeen ammaanka tuulada shirku ka furmay ee Maygaagle.

Shirka nabadaynta ee ka furmay shalay tuulada Maygaagle, ayaa la sheegay inuu socon doono tan iyo inta la xallinayo colaadda u dhexaysa labadaas beelood.

Dhinaca kale, wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Qorulugud, kuwaasoo dadaal weyn ugu jira dhammaynta colaadda ka dhacday degaanka Kalshaale.

Related Items


Leave a comment