Mogdisho: Maxmaed Cumar Xababe oo ku tilmamay shabaab quwad aan laga guulaysan kar

Wednesday December 01, 2010 - 16:33:05
0 Comments
997
Super Admin
Maxmaed Cumar Xababe oo ku tilmamay shabaab quwad aan laga guulaysan karin marka loo eego kooxa Nabad ilaalinta ee Amisom isaga oo ku tilmamay in aysan ahayn somali ee quwadoodu tahay dad ajaanib carbeed ah
Maxamed Cumar Xabeeb (M.dheere) oo mar soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir xligii Dowladii C/laahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa ayaa daboolka ka qaaday in Caasimada Soomaaliya ay u gacan gashay Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.

Qabqablihii hore Maxamed dheere waxa uu tilmaqamay in quwado carbeed ay dalka intiisa badan iyo Muqdisho u gacan gashay isagoo ula jeeda Xarakada Alshabab.

"kuwo yar oo afkeena ku hadla ayaa la socda iyagana talo kama go'do ujeedka carabtuna waa inaan dalkeena wax kheyraad ah laga soo saarim" ayuu yiri Maxamed dheere

Gudoomiyihii hore G/banaadir waxa uu Dowlada ugu baaqay inay xal cusub iyo qaabkii ay dib ugu soo ceshan lahayd daka ay la timaamo .

Ciidamada Midowga Afrika ayuu sheegay inay yihiin kuwo aan waxba ka qadi karin xoogaga hubeysan ee Alshabab.

Related Items


Leave a comment