UN: Qaramad Midowbay oo lacag dalbatay wax looga qabto Dalka somalia

Thursday December 02, 2010 - 09:11:47
0 Comments
1183
Super Admin
Jamciyada qurumaha ka dhaxaysa ayaa sheegtay in ay dhaqaale ku dhow 600 miyal oo dollarka USD ah, si wax looga qabto xaaladaha Bini’aadaninimo ee ka jirta wadanka somalia

Wakiilka Bani’aadanimada ee Qaramada Midooobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mike Bowdhan oo shalay xafiiskiisa ka soo saaray war uu kaga dalbanaayo deeqbixiyayaasha caalamka in loo baahanyahay lacag dhan 530 Milyan oo Dollarka Mareeykanka ah taas oo wax looga qabanayo xaalada Bani ‘aadanimo ee ka taagan Soomaaliya

Waxa uu sheegay wakiilku in marka loo eego dhibaatooyinka Bani’ aadanimo ee ka jirta Soomaaliya loo baahnyahay in wax laga qabto si looga gudbo xaaladda adag, isagoo sheegay in 2 Milyan oo Soomaali ah ay xiligan u baahanyihiin gargaar Bani’aadanimo oo dag dag ah kuwaas oo Malyan iyo bar ka mid ah ay gudaha ku barakacsanyihiin xaalad adagna ay ku nool yihiin, waxaana uu sidoo kale sheegay in 200 oo kun oo ruux ay u barakaceen waadamada dariska la ah Soomaaliya kadib markii ay sii kordheen dagaalada ka soconaya Soomaaliya.

“Waxaan xiligan u baahanahay in lacagtaasi aan helno si dadkaasi dhibaataysan gargaar loo gaarsiiyo waana hubaal in nolol adag ay ku nool yihiin una baahanyihiin in la gargaaro waliba si dag dag ah lacagtan waxaan wax uga qabannaynaa sanadka soo socda ee 2011-ka xaaladaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya” ayuu yiri mike Bowden.

Lacgtan ay Qaramada Midoobay ka dalbanayso deeq bixiyayaasha caalamka ayaa waxa ay aad uga yartahay marka loo eego tirada lacagtii ay Qaramada Midoobay sanadkii hore ka dalbatay deeq bixiyayaasha, sidoo kale Qaramada Midoobnay waxa ay raja xumo ka muujinaysa hadii ay lacgtan soo gaarto sida loo gaarsiin karo dadka dhaibaataysan ee ku sugan goobaha ay shababku maamulaan.

Related Items


Leave a comment