Waa see Diyaaraday Somaliland sheegay in Puntland ay hub u sido

Saturday December 11, 2010 - 10:33:21
0 Comments
1358
Super Admin
Waa see Diyaaraday Somaliland sheegay in Puntland ay hub u sido Muxuuse noqon karaa hubkaas maxaase a jira arimahaas oo dhan
Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa waxay shalay baahiyeen laga soo xigtay maamulka Soomaaliland oo sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa ay shalay ka soo degtay diyaarad ay sheegeen in ay hawada Soomaaliya ku soo gashay si sharcidarro ah.

Diyaaradda ayaa waxaa la shaaciyay in ay saarnaayeen 6 qof oo shaqaalihii diyaaradda ah oo dhalashadooda lagu sheegay in ay Ruush tahay iyo 2 nin oo la sheegay in ay diyaaraddu u rarnayd, kuwaas oo la sheegay in ay u dhasheen dalka Koofur Afrika. Hase ahaatee diyaaradda, dadka saarnaa iyo xamuulka saaran ayaan midkoodna wax muuqaal ah laga soo saarin. Taas oo dad badani isweydiinayaan sababta wax sawir ah loo soo saari waayay.

Wariyaha Telefishanka Universal u joooga magaalada Hargaysa
ayaa sheegay in ay si wadjir ah shir jaraa'id u wada wabteen saddex wasaaradood ka ka mid ah maamulka Soomaaliland. Wuxuuse soo saaray saddexdii wasiir oo mid walba uu kaligiis fadhiyo xafiiskiisii. Taas oo aan lagu sheegi karin shir jaraa'id ay wadajir u qabteen.

Mid ka mid ah saddexda wasiir oo lagu sheegay in uu yahay
wasiirka warfaafinta ayaa wuxuu ka hadlay wax ka baxsan
arrintii diyaaradda ay sheegeen in ay Hargaysa ka soo degtay, wuxuuna yiri "Arrintaani waxay na xasuusinaysaa, dagaalladii 1988-kii iyo diyaaradihii carabta laga soo gatay ayna Koofur Afrikaanku wadeen..... ". Hadalka ninkaas oo Puntland ku eedeeyay in ay si sharci darro ah wadanka "Soomaaliya" hub ku soo gashaan ayaa wuxuu u egyahay in sheekada diyaaraddu ay tahay arrin gacan ku rimis ah oo aan si fiican loo soo diyaarin.

Dhacda diyaadaan ee warbaahintu hadal hayso waa see hada maxayse noqon kartaa? ma la mid noqon taa dhacdooyinkii hore ee Maamulka Somaliland sheegeen?

Dhacdooyinkaas oo ay ka mid ahaayeen ninkii la sheegay in asagoo miino dhigaya ay qabatay haweenay daaraddeeda fiiqanaysay, balse ka fakaday, walxo qarxana ka cararay.


Si kastaba ha ahaatee waxaa aad looga war dhawrayaa xaqiiqada diyaaradda saanadah sida ee ciladaha farsam uga dagtay magaalada Hargaysa, halkii ay ka degi lahayd garooomada Puntland oo maamulka Somaliland uu sheegay in hubkaan loo waday.

Related Items


Leave a comment