Galkacyo: Kulankii maanta ee Nabadyata Mudug iyo qodobadii ka soo baxay

Saturday December 11, 2010 - 20:10:22
0 Comments
1201
Super Admin
Qodobo ay ka mid tahay Xabad joojin oo lagu gaaray Nabadayta Mudug ee maalmihii dambe ay wadeen Mudanayaal ka socda Dowlahada FKM iyo labada maamul ee Puntland iyo Galmudug
Shir nabadeed maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga soo saarey qodoba muhiim u ah oo ku aadan colaada ka jirta dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug.

Shirka nabadeed ee maanta ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socota Dawladda FKMG Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano, Wasiiro ka socda maamulada Puntland iyo Galmudug, Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa halkaasi ka hadley mas’uuliyiin ka socota Dawladda FKMG Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ra’isulwasaare xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane C/weli Maxamed Cali iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/shakuur Shiikh Xasan, kuwaasi oo si iskumid ah u soo dhoweeyay arimaha nabadgelyada iyo waanwaanta laga dhexwado beelaha ku diriray miyiga gobolka Mudug.

Wadahadal kadib waxaa dhinacyada dagaalka miyiga ka socda uu khuseeyo ee Puntland iyo Galmudug waxay isla garteen in la gaaro heshiis dhab ah oo wax ka tara colaada ka jirta dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug, waxayna isla garteen in la gaaro qodobo ay ka mid yihiin in la sameeyo xabadjoojin dhab ah, in la kala qaado ciidamada isku hor fadhiya dhulkii dagaaladu ka dhaceen, iyo in si shuruud la’aan ah lagu wada noolaado deegaanada dagaaladu ka dhaceen oo daaqsinka iyo biyaha la wadaago.

Kulanka maanta markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxaa sidoo kale la isla gartey in si deg deg ah lagu magacaabo guddi ka kooban xubno badan oo labada dhinac ah, kuwaasi oo taga deegaanadii ay dhibaato ka dhacdey isla markaana fuliya kala qaadista ciidamada iyo in ay xabadjoojin lakala dhex dhigo labada beelood ee halkaasi ku dirirsan.

Waxaa loo balamay in maalinta barito ah la isugu yimaado kulan kale, si loo sii amba qaado qodobada kale ee dhiman, iyadoo la sii wadi doono xalinta waxyaabaha ay kala tabanayaan labada dhinac ee dagaalkoodu ka dhacay miyiga gobolka Mudug.

Kulanka maanta ayaa ah kii ugu horeeyay ee labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay isku soo hor fariistaan tan iyo markii ay bilowdeen dagaaladii ka dhacay miyiga gobolka Mudug, dagaalkaasi oo horey u fashiliyey wada hadal labada dhinac uga socday Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.




Related Items


Leave a comment