Raisalwasaraha somali Maxamed C/lahi oo ka dagay Addis Ababa Ethoipia

Monday December 13, 2010 - 16:31:29
0 Comments
1626
Super Admin
Raisalwasaraha somalia Maxamed C/lahi Faramajo iyo waftigiisi oo ka dagay Addis Ababa Ethoipia ayaga oo ka soo kicitimay Wadanka Jabuti

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii ay soo dhameysteen socdaal labo maalin qaatay oo ay ku tageen dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Warka ayaa intaa ku daraya in RW Somalia iyo wafdigiisa ay ku soo dhoweeyeen magaalada Addis ababa masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, waxaana inta uu joogo dalkaasi uu kulamo kala gedisan la qaadan doonaa masuuliyin ka tirsan xukuumada Itoobiya oo uu ka mid yahay RW Melles Zenawi, iyagoo sida la filayo ka wada hadli doono xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia.

Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay socdaal labo maalin ah ku tegay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa kulamo kula la soo qaatay madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ka mid yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo isla soo qaaday xiriirka labada dowladood iyo sidii Jabuuti ay gacan uga geysan laheyd nabad ku soo dabaalida Somalia.

Wafdiga ra'isul wasaare Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibeda Maxamed C/llaahi Oomaar, wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada iyo Baarlamanka Somalia, waana lugtii labaad ee socdaalkiisan oo ah kii ugu horeeyey ee uu dibeda ugu ambabaxo dalka tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi.


Related Items


Leave a comment