Markabka lagu magacabo MV RENUAR oo u gacan galay Burcad badeed

Monday December 13, 2010 - 16:40:01
0 Comments
994
Super Admin
Markabka lagu magacabo MV RENUAR ayaa gacanta galay Burcad badeed somaliya ayaga oo ka soo qatay meel aad uga fog xeebaha somalia markabka oo ah markab xamuul lagana lee yahay dalka Liberia hase ahaate ku gooshayey Calanka Panama

Markabkan ayaala sheegay in xilliga la afduubanayayuu marayay meel xeebaha Soomaaliya u jirta qiyaastii 1000-meyl una dhow Badwaynta indiya.

kooxdan wax afduubatay ayaawatay labo doonyood iyo Markab weyn oo ay inta badan ku afduubtaan Maraakiibta waaweyn,waxaana Markabkaan ay ku weerareen qoryaha fud-fudud

Waxaa la rumaysan yahay in 24-shaqaale ay saarnaayeen markabkan, oo u dhashey dalka Filipiin haatana loo soo wado xeebaha Soomaaliya.

wali hadal kama soo yeerin wadanka uu calankiisu ka lulanayo Markabka inkasta oo markabku uusan wali gaarin xeebaha somalaia


Related Items


Leave a comment