Mogdisho: Gudomiye ku xigeenka Kowad ee Baarlamanka oo baaq u diray Xildhibanada ku maqan Dibada

Saturday December 18, 2010 - 16:47:37
0 Comments
1519
Super Admin
Gudomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Somalia C/wali Shiikh Ibrahim Muuday ayaa ugu baaqay Xildhibanada ku maqan Dibada in ay yimadan kulamada soo socda ee baarlamaka
Masuuliyiin ka tirsan Gudoonka sare ee Baarlamaanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka ayaa baaq u direy Xildhibaanada Baarlamaanka ee xilligaan ku maqan dalka somaliya dibadiisa.

Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1-aad Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey oo u waramaayay Saxaafada ayaa ugu baaqay Mudaneyaashaas in ay si deg deg ah dalka dib ugu soo laabtan.


Waxaana uu sheegay in shaqooyin fara badan ay horyaalaan Baarlamaanka loona baahan yahay in la qabto sidaas darteedna ay yimaadan xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.


Xildhibaanada baarlamanka ayaanan wax kulan ah yeelan waxii ka danbeeyay ansaxintii xukuumadda cusub waxaana uu fadhiyada baarlamanka u baaq baaqabay maal mihii lasoo dhaafay kooramka oo buuxsami waayay.


lama oga sida ay xildhibaanada uga jawaabi doonaan baaqani kasoo baxay madaxda sare ee golaha baarlamanka oo codsanaya in kooramka lasoo buuxiyo.

Related Items


Leave a comment