Mogdisho: Xildhibano ka tirsan baarlamka oo sheegay in ay dowlada kala hadli doonaan Duqaymaha Ciidamada Amison

Saturday December 18, 2010 - 17:06:37
0 Comments
887
Super Admin
Xildhibano ka tirsan baarlamka Somalia oo sheegay in ay dowlada kala hadli doonaan Duqaymaha Ciidamada Amison ee Caasumada Dalka somalia

Xildhibaano uu ka mid yahay C/laahi Faray Axmed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafada la hadalay ayaa waxayuu sheegay in ay kaxun yihiin dhibaatada Ciidamada AMISOM ay ku haayaan dadka Shacabka ah iyo waliba madaafiicda xoogan oo ay ku garaacaan goobaha ay daganyihiin dadka Rayidka ah.

Waxa ay sheegeen xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya in ay horay madaxda dowlada KMG Soomaaliya ay kala hadleen duqaymaha ciidamada AMISOM ay u geestaan goobaha Shacabka.

Xildhiban C/laahi Faray ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay haatan qorshaynayaan kulamo kale oo ku aadan arimahaasi oo ay la qaadanayaan madaxda dowlada KMG Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale uu sheegay in arintaan ay tahay mid aan loo dul qaadan arin isla markaana laga xumaado in la duqeeyo goobaha ay ku nool yihiin dad rayidka ah.

Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili magaalada Muqdisho ay wali kasdaan dagaalada iyo waliba duqaymaha xoogan kuwaasi oo uu khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka Shacabka

Related Items


Leave a comment