Jabuti: Madaxweyne Geele ayaa walac ka muujiyey xaalada Dalka Somalia

Sunday December 19, 2010 - 16:52:17
0 Comments
2071
Super Admin
Madaxweyne Jamhuuriyada jabuti Ismaciil Cumar Geele ayaa walac ka muujiyey xaalada Amaanka ee Dalka Somalia iyo qaxootiga Somalia ee dhibaataysan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay kulan aqoonyahano Soomaaliyeed ay ku lahaayeen dalkaasi ayaa waxaa uu ka deeriyay xaaladda iminka uu marayo dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cismaaciil Cumar Gelle ayaa waxaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ka barakaceen dad farabadan kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ku haysta duleedyada magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar ee dalka, halka kuwa kalana uu sheegay in ay qaxooti ku yihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaana uu intaasi uu raaciyay in kuwa ku haray gudaha magaalada Muqdisho ay lakumaan madaafiica habow ah iyo rasaas aan loo meel dayin xiliyada ay dhacayaan dagaalada ay isaga soo horjeedaan dhinacyada isku haya Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa waxaa uu ka codsaday dhinacyada isku haya siyaadda Muqdisho in ay u turaan shacabkooda iyagoo fiirinaya dhibaatooyinka dadka rayidka ah kasoo gaarta dagaalada, waxaan uu tilmamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaalo.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsaday in looga baahanyahay intii fikiraysa in looga baahanyahay in ay ku dadaalaan sidii mustaqbalka loo dhisi lahaa dowladda loo dhanyahay oo ay kasoo qaybgalaan kooxaha kasoo horjeeda siyaasadda dowladda KMG Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweyne Gelle ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan uu booqasho ku tagay dalka Jabuuti Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo kaasi oo dowladda Jabuuti ka codsaday in ay wax kala qabto xalinta dhibaatooyinka magalada Muqdisho
.

Related Items


Leave a comment