Mogdisho:Baarlamka ayaa kulan koodi maanta loo qaybiyey Miisaniyada 2011ka

Thursday December 23, 2010 - 17:05:46
0 Comments
882
Super Admin
Xidhibaanda baarlamka Somalia ayaa kulan koodi maanta ay ku yeeshee Xarunta Umada loogu qaybiyey Miisaniyada Xukumada ee Sannadka 2011ka Miisaaniyad sanadeedkaas oo ay xukumadau soo gudbisay dhawaan
Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi, waxaa uu sheegay in xildhibaanada Barlmanka KMG loo baahanyahay in ay soo aqristaan warqadahaasi islamarkaana maalinta isniinta ee soo aadan ay isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka si looga doodo miisaaniyadaasi loona ansixiyo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in miisaaniyad la’aan aysan jiri karin dowlad, isagoo tilmaamay in hadii la helo dhaqaale uu wanaagsanaanayo amniga wadanka, waxuuna sidaasi dareeteed uu ka codsaday xildhibaanada Barlamanka inay si buuxda u soo xadiraan maalinta Isniinta, rajo wanaagsansana ka muujiyay ansixinta miisaaniyada xukuumada KMG ee sanadka 2011-ka.

Waa fadhigii ugu horeeyay oo xildhibaanada Barlamanka ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho tan iyo intii la ansixiyay golaha Wasiirada xukuumada Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo hase ahaatee waxaan la ogeyn qaabka xildhibaanada ay u ansixin doonaan miisaaniyada ay xukuumadu u gudbisay Barlamanka.


Related Items


Leave a comment