Mogdisho: Cali Maxamud Raage Afhayenka Alshabaab ayaa hadal uu ka jeediyey Munaasabada ay ku shaaciyeen Midowga Xizbul islam iyo shabaab in ay ka dalbanayaan Alqaacida Taageero

Friday December 24, 2010 - 16:11:25
0 Comments
1309
Super Admin
Cali Maxamud Raage Afhayenka Alshabaab ayaa hadal uu ka jeediyey Munaasabada ay ku shaaciyeen Midowga Xizbul islam iyo shabaab in ay ka dalbanayaan Alqaacida Taageero iyo in ay ka qayb galaan dagaalka ay kula jiraan Cadowga ilaahay waa say hadalka u dhigeen'e.


Kadib markii shalay galinkii dambe saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ee ku biiray Al Shabaab ay si rasmi ah u shaaciyeen in Xisbul Islaam uu ku biiray Shabaab ayaa saraakiisha Xarakada waxaa ay dagaalyahanada Urur weynaha Al Qaacidda ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya oo ay Al Shababa kula jiraan dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Calidheere oo qudbad af Carabi ah ka jeediyay kulan lagu shaacinayay ku biirtiaanka Ururkii Xisbul Islaam ee Shabaab ayaa waxaa uu hogaamiyaha Al Qaacidda ugu biishaareeyay sida ay u midoobeen dagaalyahanada Soomaaliya islamarkaana looga baxay qilaafkii iyo kala aragti duwanaashihi dagalyahanada, waxaana uu baaq uy diray Afhayeenka dagaalyahanada Al Qaacidda ee dalalka Falastiin, Iraq, Afghanistan Shiishaan iyo Yemen, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay garab is taagaan Xarakada Al Shabaab.

Sheekh C/fitaax Max’ed Cali oo ahaa madaxii warfaafinta Xisbigii bur buray ee Shabaab islamarkaana hadda ah sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa isna waxaa uu bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Shabaab iyo Xisbiga ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda KMG iyo ciidamada taageera ee AMISOM ay ku fashilmeen duulaan uu tilmamay in ay kusoo qaadeen Mujaahidiinta Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, isagoo ugu hambalyeeyey Al Qaacidda hormarada Xarakada Al Shabaab ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment