Kenya: Dowlada kenya ayaa xuduudkeda soo dhoobtay Ciidamo

Saturday December 25, 2010 - 13:34:32
0 Comments
1273
Super Admin
Dowlada Dalka kenya ayaa xuduudka ay la leedahay dalka somalia soo dhoobtay Ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Boliis iyo militery si ay uga hortagaan falal isqarxin oo laga cabsi qabo in lala beegsado Munaasabada (Masiixiga) Chrismiska taas o laga cabsi qabo kooxa islamiyinta ah ee Somalia


Sababta dowladda Kenya ay u soo dhoobtay ciidamada farabaha badan xadka degmooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ayaa waxaa la sheegay in ay tahay iyadoo dadka Masiixiyiinta ah ee ku nool wadankaasi ay isu diyaarinayaan u dabaaldagidda ciidda Christmas oo ay cabsi ka qabto dowladda Kenya in qaraxyo uga yimada Soomaaliya laga gaysto gudaha wadankaasi.

Dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee Kenya ayaa waxaa ay saamayn ku yeesheen dadkii iyo gaadkii Bl-ka ee isaga kala gooshi jiray labada degmo sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad jooga magaaladadegmada Mandheera ee dalka Kenya.

Sidoo kale dad warbaahintu waraysatay ayaa waxay u sheegeen in degmooyinka Baladxaawo iyo Mandheera maalmo ka hor ay gaareen boqolaal dad ah, oo ka barakacay dagaalada iyo duqeymaha ka socda magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in halkaasi ay ku haysataan xaalado dhinaca nolosha ah oo ay ka mid tahay cuni yari iyo biyo la’aan.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa ciidamada faraha badan ee soo dhoobtay xadka ay la wadaagto wadanka Soomaaliya waxaa ay imaanaysaa xili dadka Masixiyiinta ee ku nool wadama caalmaka ay u dabaaldagayaan Ciida Masiixiga ee ku beegan Maanta.

Related Items


Leave a comment