BTS: Kulanki Baarlamanka maxaa looga dooday shalay Maxase maata looga hadlin

Tuesday December 28, 2010 - 00:37:33
0 Comments
1158
Super Admin
Kulanka Baarlamanka oo ka dhacay Xarunta Shacabka ayaa waxaa gudoomunayey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ahna ku simha xilka gudoomiyaha, Kulanka ayaa waxaa lagu eegayey arimo ay ugu waynayd Miisaaniyada Sannadka mudada gaaban naga xigto ee 2011ka , Waxaa soo xaadiray madasha shirka inka badan 259 xildhiban ayada oo uu shirka furay G/Kuxigenka 1aad Md Muuday
Ajandaha shalay ay ka doodeen mudanayaasha Barlamanka ayaa waxaa uu ahaa miisaaniyada xukuumada cusub ee sanadka 2011-ka, iyadoo Mudanayaashada ay si aad ah uga doodeen ajandihii miisaaniyada ee Xukuumada ay soo gudbisay, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee gudiga maaliyada Barlamanka Xuseen Ceelaawe Faahiye, waxa uuna sheegay in markii ay qiimeeyeen miisaanada ay u soo gudbisay xukuumada ay ila dhaqaaleedka ay gacanta ku heyso dowladda KMG ay ka soo bixi karto sanadkiiba 98 milyan 586-kun iyo 900 oo doolar, isagoona sheegay intaasi marka la fiiriyo ay si aad ah uga yartahay miisaaniyadii la rabay in ay soo saarto xukuumada KMG.

Sidoo kale gudiga Maaliyada Barlamanka waxaa ay sheegeen in dhaqaalihii laga rabey dekadda Magaalada Muqdisho iyo qiimeynta loo sameeyay ay aad u kala fogtahay.

Gudiga Maaliyadda barlamanka ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha hadda la sheegay in uu soo gaari karayo imagareeshinka ay la mid noqoneyso in maalintii dal iyo dibad ay baasaboorka Soomaaliya qaataan 4 qof oo kaliya taasi oo gudigu uu ku sheegay mid aan macquul aheeyn.

sidii uu hirayba shalay Gudoomiye ku xigeenka koowaad u sheegay markii uu xirayey shirka ayaa waxaa loo alansan yahay mar kale shirka looga doodayey Miisaniyada oo markii shalay doodu badatay wax go'aan ahna laga gaarin anjandihii miiska saarna waa Miisaniyada sanada 2011 ka ahe ayaa mid loo balamay maalinta maanta ah ee Arbacada .

Abukar Cumar
Mogdisho BTS

Related Items


Leave a comment