Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in is-hor istaag lagu sameeyay khudbadiisii Shalay

Tuesday February 20, 2024 - 18:36:07
0 Comments
45
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in laga hor istaagay warbaahinta qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya in laga baahiyo khubad uu shalay u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisu ku saabsaneed wax ka badelka dastuurka ee dowladdu waddo iyo guudahaan xaaladda dalku marayo xilligaan.

Qoraal uu bartiisa Facebook, ku baahiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in aanu garan karin "sababta keeni karta in baahinta hadalkiisa is hortaag lagu sameeyo”.

"Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah , balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxu sheegay in tillaabadaan ay muujineyso sida loo diidanyahay aragtiyada xildhibaannada iyo siyaasiinta kale.

"Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah . Laakin tani waxay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga” ayuu yiri Madaxweyne hore shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah madax hore iyo siyaasin kale oo dhowr jeer soo saaray qoraallo ay ku dhaliilayaan sida dowladdu u wajahayso qaar ka mid ah arrimaha masiiriga ah .

Related Items


Leave a comment