BTS: " Dowlada waxaa u suurta galay in badan oo ka mid ah Howlihii u qorshaysnaa" M/wayne Shariif

Saturday January 01, 2011 - 10:06:15
0 Comments
2467
Super Admin
Madaxwaynaha Dowlada FKM somalia Shariif Shiikh Axmed oo warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in dowlada qorshayaashii ay rabtay aysan wada qabsoomin hase ahaatee in badan lagu guulaystay Qorshayaashii la rabay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in waxyaabaha u qabsoomay ay ka mid yihiin dhinacyo is dirirsanaa oo isku yimid islamarkaana dhistay hal dowladda taasi oo uu sheegay in ay timid Muqdisho oo mar xaladaydu aad u adagtahay, si ay ugu shaqayso.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu guul u soo hoyotay shacabka Soomaaliyeed ku tilmamay in ay soo dhisaan Xukuumad ka kooban 18-wasaaradood oo ay hogaan u yihiin dad aqoonyahano ah, wuxuuna uu intaasi ku daray in dhismooyin ilaa hadda socda ay ku sameeyeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxna ay ka qabteen sida uu sheegay adeegyada bulshada oo uu ku tilmaamay Dekadda Muqdisho iyo Airpor-ka kuwaasi oo uu sheegay in si ka wanaagsan sidii hore ay u shaqaynayaan.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in la ansixiyo Miisaaniyadda sanadka 2011-ka ay ku howlgalayso Xukuumadda mudo 20-sano kadib, wuxuuna farta ku fiiqay bangiga dhexe oo uu sheegay in uu shaqaynayo, isagoo arimahaasi oo idil uu ku tilmaamay in ay tahay aas aaska dowladda ay yeelato Umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaan cusub ay qorshaynayaan in lasoo gaba gabeeyo Dastuur u samaynta dalka Soomaaliya kaasi oo uu tibaaxay in uu ku mashquulsanyahay guddiga Dastuurka ayna ka wada shaqaynayaan barlamanka iyo Xukuumadda KMG Soomaaliya, waxana uu carabka ku dhiftay in Dastuur u samaynta dalka kadib qorshahooda uu yahay in ay wax ka qabtaan amniga, adeegyada bulshadda, in wax loo qabto dadka ku dhibaataysan wadanka dibadiisa iyo in dhalinyarada ay waxbarasho helaan.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in qorshahoodu uu qeyb ka yahay in ay kaashadaan culumada Soomaaliyeed si fikirkooda ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya ula wadaagan wax uuna sheegay in culamadu ay tahay kuwo fikiro badan looga baahan yahay si dalka loo xaliyo .

Ahmed shiiikh Abuka

Related Items


Leave a comment