BTS: Amison oo warqad ka dhan ah hishiiska dowlada u dirtay Midowga Africa

Saturday January 01, 2011 - 21:01:12
0 Comments
1467
Super Admin
Madaxda Ugu saraysta Ciidanka Amison ee Nabad ilaalinta u jooga Somaliya ayaa warqad cabasho ah u diray Midowga Afica, Warqadaas oo ay ku muujiyeen Cabasho balaaran oo ku aadan shirkadaha shisheeye ee Dowladu hishiisyada Tababarada Ciidamada kula gashay.

jiha wareer ayaa ka dhaxtaagan howlaha ay qabanayaan shirkadaha shisheeye iyo ciidanka AMISOM waxaana jira khilaaf xoogan oo arrinkasi ku aadan.

Jariiradda East African ee ka soo baxday magaalada Nairobi ayaa daabacday inuu helay warqad sir ah oo Taliska Ciidamada Shisheeye ee jooga magaalada Muqdisho ay u gudbiyeen Dowladda Ugandha.

Warqad qarsoodi ah oo lahelay ayaa Taliska Ciidamada AMISOM walaac ugu muujiyeen Howlaha ay qabanayso mid ka mid ah dhoor Shirkadood oo Calooshood u shaqeystayaal ah oo heshiisyo qarsoodi ah la gaaray Dowladda KMG-ka.

AMISOM ayaa Muqdisho u joogta ilaalinta xarumaha dowlada KMG ah iyo difaacidda madaxda waxaana arrinkaasi iskusoo taagay shirkado dhanka amaanka qaabilsan oo ay wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah Heshiis la soo galeen waxaa lafilayaa in Midowga Afrika go'aan cad arrinkaasi ka soo saaro.

Related Items


Leave a comment