BTS: Muwaadin Somalia ayaa lagu dilay Dalka Canada

Monday January 03, 2011 - 17:10:10
0 Comments
1276
Super Admin
Wadanka Canada oo ka mid ah qaarada America ayaa waxaa lagu dilay muwaadin somalia halka mid kalena lagu dhaawacay maalmihii la soo dhaafay.
Dilkan ayaa ka dhacay magaalo ka tirsan dalkasi Canada,waxaana la sheegey inay koox0o hubeysan bistoolado ku weerareen wiilashaasi soomaaliyeed.

Mid ka mid ah wiilashaasi ayaa la sheegey in lagu dhex dilay meherad itoobiyaan ku lahayeen magaaladaasi,waxaana la sheegey inuu isla markiiba u geeriyoodey rasaas haleeshay.

Sidoo kale isla meeshaasi waxaa dhaawac ku soo gaarey muwaadin kale oo soomaaliyeed,waxaana dhaawaciisa ilaa & hadda lagu daaweynayaan cusbitaal ku yaala magaalada Edmanton ee wadankaasi Canada.

Soomaalida ku dhaqan dalka Canada ayaa walaac xoogan ka muujinaya shacabka soomaaliyeed ee wadankaasi ku dhaqan isla markaasna waxaa ay sheegeen in sida soomaalida loogu bartilmaameedsado wadanka koonfur afrika loogu dilo halkaas,waxaana ay walaac ka muujinayaan dilalkaasi oo aan wali cid loo heyn ayada oo ciidanka Police mar kasta sheegaan in ay wax qabad u wadaan somalida.

Related Items


Leave a comment