BTS: Toogasho aan laga fiirsan talada Xarakada Shabaab "Kismayo"

Thursday January 06, 2011 - 17:14:51
0 Comments
1265
Super Admin
Ciidamada Xarakada Shabaab ee magalada kismaayo ayaa ku dilay duleedka magalada kismayo ee xarunta gobolka jubada hoose wiil dhalin yaro ah oo dimirka wax ka qaba.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka waxaa wiilka la toogtay la soo qabtay maalintii shaley isagoo ku sugnaa deegaan ku dhow tuulada Buulo Xaaji oo qiyaastii 24 KM dhanka Galbeed kaga beeganmagaalada Kismaayo, waxana Shabaab ku eedeeyeen wiilkaasi inuu ahaa jaajuus u shaqeeya dowlada Ethiopia.

Saaka waabarigii ayaa wiilkaasi lagu toogtay duleedka magaalada Kismaayo kadib markiiciidamada Shabaab ay ku adkeysteen in wiilkaasi uu ahaa jaajuus.

Wararka ay warbaahintu ka heleyso dadka degaankaku sugan ayaa sheegaya in wiilkanuu ahaa nindhimir ahaan xanuunsan, isla markaana dhowanQuraan saar lookeenay deegaankaasi oo ay eheladiisa ku noolaayeen. Waxaana wiilka laga keenay dalka Kenya oo uu ku noolaa mudo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wiilka la toogtay uu ku hadlayey ereyo u adan afka English-ka taasookeentay in Shabaab ay ka shakiyaan wiilka o Afka Soomaaliga uu ku adkaa.

Lama xaqiijin in wax maxkamad ah la soo taagay wiilka ka hor intii aan la toogan, sidoo kale mar aan isku daynay inaan la xiriirno eheldiisa nooma suurgalin si aan wax oga ogaano inay ka warhayeen dilka toogashada ah ee lagu fuliyey wiilkaasi.

Dhinaca maamulka xarakada Shabaab ee degmada Kismaayo ayaan ka hadlin dilka toogashada ah ee wiilkaasilagu fuliyey, iyadoo inta badan xarakada Shabaab dadka ay dilayaan ay geeyaan maxkamadahooda.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujiyey dilkaasi qaabka uu u dhacay, maadaama shaki badan uu ku jiro qaabka dilkaasi loo fuliyey maadaama aysan cadeyn in wax maxkamad ah la marsiiyey marxuumka la toogtay ka hor toogashadiisa.

Warsame Axmed Shirwac

KISmayo

Related Items


Leave a comment