BTS: Scotland oo sheegtay in muwaadin somaliya ay dib u celinayso Hargaysa

Saturday January 08, 2011 - 10:36:50
0 Comments
1059
Super Admin
Wiil Somalia ayaa Xukumada Scotland waxay ku xukuntay in dib loogu celiyo Wadanka somalia gaar ahaan Somaliland asaga oo mudo ku xirnaa Wadanka Scotland Magalada gascowne.

Ninkan soomaaliga ayaa la shaaciyey inuu wadankaasi ku dhex dagaalamay isla markaasna lagu xukumay xabsi gaaraya sanad & bar,waxaana uu laastey xabsigaasi.

Maxamuud Cabdi waxa uu xusay in xukumada scotland ay ku xukuntey xabsi dhan sanad & shan bilood isla markaasna uu dhameystey,waxaana uu sheegey in markii xarigaasi lagu xukumayey loo sheegey marka uu xabsiga dhameysto in la sii deyn doono.

Maxamuud waxaa uu sheegey inay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafey ay u yimaadeen koox ka socota waaxda socdaalka dalkaasi ayna u sheegeen inay sharcigisa tixraac ku sameynayaan.

Waxaa uu Maxamuud sheegey in Garyaqaankii u doodayey ay xukumada dalkaasi u sheegtey inay dib ugu celinayaan Maxamed Somaliland oo uu ka soo jeedo,waxaana uu Garyaqanku maxamud u sheegey inay labada Masuuliyiin ee somaliland iyo scotland ka wada hadleen arrimahasi kuna heshiiyeen in Maxamuud somaliland dib loogu celiyo.

BTS Online

Related Items


Leave a comment