Hay,adda Nisa oo sheegtay inay bur burisay kaydka Gaadiidka iyo Hubka buq aqable ee Al shabaab

Saturday January 27, 2024 - 20:24:17
0 Comments
52
ahmed raajaa
MUQDISHO
Howlgal galinkii dambe ee maanta ay si wadajir ah  Gobolka Hiiraan uga fuliyeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ayaa khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu yiri" Hawlgal ay iska kaashadeen Hay'adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga.

Arintaan ayaa muhiim u ah dowlada federalka soomaaliya kadib howlgal lagu qaaday degaanka buq-aqable oo lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka .

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment