Galgaduud
DIyaarad ay Qaramada Midoobay leedahay oo ka soo duushay magaalada Beledweyne, kuna sii jeedday degaanka Wisil, ay ku degtay deegaan ka tirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al Shabaab.
Dayaaradda oo nooceedu uu ahaa Helikobtar, kuna duulaysay magaca UNSOS, ayuu idaacada BBC u xaqiijiyey wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi (Gaboobe) in cillad ay qabsatay, ayna deg-deg u fariisatay deegaan hoos yimaada Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen dayaaradda iyo 7-ruux oo la socotay wasiirku waxaa uu sheegay inay diyaaaradu dawo sidday islamarkaana dadka saarnaa ku jireen dad ajnabi ah, ayado aan la ogayn xaaladda ay ku sugan yihiin.
Leave a comment