Galkacyo: Sidee loo xalin karaa Amni darada Gaalkacyo "Go'aan lagu guulaystay"

Saturday January 08, 2011 - 10:50:12
0 Comments
2437
Super Admin
Ayada oo magalada galkacyo si wayn looga dareemayey falalka amni darada ah ee la xiriira dhaca dilka qorshaysan aya waxaa hada go'aan gaaray dadka deegaanka go'aan kaas oo ah in Xaafadaha magalada galkacyo loo sameeyey Ciidamda Wadaniya kuwaas oo ka mushaar qaadanaya Xaafada.

Qeybo ka mid ah xaafada Israac gaar ahaan laanta labaad ee xaafadaasi ayaa mudo haatan laga joogo labo bilood waxaa ka howlgala ciidamo madani ah kuwaasi oo la socda xaalada amaan ee dadka ku nool xaafadaasi, waxayna ka hortag ku sameynayaan cid kasta oo isku dayda in ay falal amaan darro ka fuliso gudaha iyo agagaarka xaafadaasi.

Ciidamadani ayaa xiriir la leh laamaha amaanka gaar ahaan Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo ay u gudbinayaan cid kasta oo ay ku soo qabtaan falal burcadnimo iyo cid kasta oo laga shakiyo, waxaana ciidamadani madaniga ah ay ku hawlgalayaan oo ay mushaaraad u qaadanayaan dhaqaale bil kasta laga qaadayo dadka degan xaafadaasi, waxaana qoys kasta ku soo aadaya Boqol Kun shillin somaliya .

Gudoomiyaha Guddiga Nabadgelyada ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo Mudane C/laahi Farey ayaa sheegay in uu jiro qorshe balaaran oo ciidamadaasi oo kale loogu sameynayo guud ahaan xaafada Israac, isagoo dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kale ee magaalada ka codsadey in ay ku dhaqaaqaan talaabadaasi oo kale si ay u yaraadaan falalka amaan darro ee ay gudaha magaalada ka fulinayaan shaqsiyaad amaanka khatar ku ah.

Sameynta iyo abaabulka ciidamada madaniga ah ee ka howlgalaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo qaarkood ayaa ka dambeysay kadib markii ay dib u soo laabteen falal amaanka khatar ku noqdey sida qaraxyo, dilal qorsheysan iyo burcadnimo, waxaana ciidamadani ay buuxiyeen boos ay baneeyeen ciidamadii xaqa u lahaa hase ahaatee ka gaabiyey ee maamulka Puntland u qaabilsan gobolka Mudug.

Ciidamadaa ayaa la filayaan in ay wax ka qabtaan Arimaha amaanka iyo ka hor tagida falalka xunxun ee la xiriira Amni darada Magalada galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug .

Mudug AAdan Jaawile Axmed BTS online

Related Items


Leave a comment