BTS: Somali maxkamada lagu saray Yamen oo lagu xukumay 12 sano xariga

Sunday January 09, 2011 - 10:17:13
0 Comments
905
Super Admin
Burcad Badeed ku eedaysanayd weerar Labo doonyood oo laga lee yahay Yemen ayaa lagu xukumay wadanka yemen .

Maxkamad ku taala magaalada Mukala ee Koofur bari dalka Yemen ayaa 13-burcad badeed Soomaali ah ku riday xukun 12-sano oo xariga kadib markii lagu helay dambi burcad badeednimo.

Ragaani Soomaalida ah oo Maxkamadayntoodu bilaabatay bishii October ee sanadii hore ayaa Maxkmadda ku heshay dambi ah in ay gacanta ku dhigeen oo ay afduubteen labo doonyood oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaasi oo mararyay gacan biyoodka Cadmeed.

Maxkmadda ayaa sidoo kale ragaani ku eedaysay in ay doonayeen in doomaha ay qafaasheen in ay ku weeraraan Maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha gacan biyoodka Cadmeed ilaa bad wayn India.

Kooxdaan burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay bishii May kadib markii ciidamada ilaalada badda ee dalka Yemen howlgalo ay ka fuliyeen meelo ku dhow dhow xeebaha Jasiiradda Suqodra.

18-ka bisha May ayay aheeyd markii Maxkamad ku taala magaalada Sanca ay dil toogasho ku xakuntay burcad badeeda Soomaalida, iyadoo sidoo kale 6-kale ku xajuntay mid 10-sano oo xarig ah.

yemen bts online


Related Items


Leave a comment