BTS: Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Qaabilay Wafti reer Sacuudiya

Sunday January 09, 2011 - 10:46:09
0 Comments
1281
Super Admin
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Siilaanyo Ayaa magalada Hargaysa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Wadanka Sacuudiga.

MadawaneAxmedSiilaanyo waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka SocdaDalka SucuudigaWeftigan oo ka Kooban 5 Xubnood Dalkana soo Gaadhay waxa ay Saaka Madaxweynaha kulan Saacadoo qaatay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.

Weftiga oo ujeedda Socdaalkoodu yahay in ay Dalka Maal- gashi ku sameeyaan oo ay Dawlada Somaliland Xidhiidh Ganacsi la yeeshan Gaar ahaan Dhinacyada Shiidaalka.

Dalkana ay Gacan ka Gaystaan Wax soo Saarkiisa Madaama oo bay yidhaahdeen Dalkani uu ku Talaabsaday Talaabo Wax ku Ool ah oo u baahan in laga Taageero Dhinacyada Wax-soo saarka si ayuga mid noqdaan Wadamada aadka u Danaynaya inay Somaliland la yeeshan Xidhidh noocan oo kale ah.

Madaxweynuhu wuxuu Weftigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan Dhinaca Ganacsiga waxaanu kusoo dhaweeyey Weftiga Fikradooda ah inay Somaliland La yeeshaan Xidhidh Ganacsi taas oo uu madaxweynuhu u balan qaaday inay Gacmo Furan ku soo dhawaynayaan Waxna la qabanayaan Cidkasta oo Dalkan Maal-gashi iyo wax soo saarba ka damacsan gaar ahaan Dhanka Ganacsiga.

Gebagebadii Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Ganacsi ee Dalku maraayo taasi oo uu u sheegay inay tahay mid ay Reer Somaliland iyagu ay is gaadhsiyeen heerkaa ay Maanta taagan yihiin waxaana Tusaale idinku Filan ayuu yidhi madaxweynuhu in ay Maanta Caalamku Danaynayaan Xidhidh ay Dalka la Yeeshan.

Related Items


Leave a comment