BTS: Gogosha Ganacsatada Somaliyeed oo looga dhawaaqay Puntland

Sunday January 09, 2011 - 10:51:17
0 Comments
936
Super Admin
Maamulka puntland oo ugu baaqay Ganacsatada Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalgashiga puntland ,Asaga oo maamulku sido kale sheegay in gogol u dhigayo Ganacsada somaliyeed Dalka iyo dibadaba.

Maamulka Puntland oo horey ugu guuleystay in uu kulamo isugu keeno Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Ururada Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhalinyarada kubada cagta Soomaaliyeed ee dhamaantood ku kala nool gobolada dalka Soomaaliya ayaa haatan u hanqal taagaya sidii uu kulan balaaran isugu keeni lahaa dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa shaaciyey in maamulkiisu diyaar u yahay gogol uu u dhigo dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata gobolada dalka Soomaaliya iyo kuwa ku sugan wadanka banaankiisa si loo gaaro mideysnaan ganacsatada dhexdeeda ah.

Mudane C/raxmaan Faroole ayaa isaga oo ka hadlaya arimaha ganacsiga waxaa uu baaq u diray dhamaan ganacsatada iyo qurbajoogta reer Puntland, baaqaasi oo ku wajahan in ay maalgashi ku sameystaan gobolada dowladda Puntland, si horumarka dalka ka jira uu noqdo mid sii balaarta oo horumar la yimaada.

Caasimada Dowladda Puntland oo horey loo dhigay gogol lagu kulmiyey Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhalinyarada kubada cagta Soomaaliyeed ayaa haatana dowladdu ku dhawaaqdey in ay taalo gogol lagu soo dhoweynayo dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadiisa ku dhaqan, iyadoo maamulka Puntland uu uga gol leeyahay marti gelintaasi in la helo ganacsi xor ah oo Dunida gaara iyo mideysnaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed ah.

Burtinletimes.com C/qaasin garowe

tk rb

Related Items


Leave a comment