BTS: Shirkad loo diray Qiimaynta Dayactirka Safarada Somalida Kenya

Monday January 10, 2011 - 10:41:39
0 Comments
1290
Super Admin
Mudane Ameerica Safiirka Somalida Kenya ayaa sheegay in ay shirkad u direen Dayac tirka Dhismaha Safaarada Somalida kenya .

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in Shirkad dhisme loo xilsaaray qiimeynta dhaqaalaha ku baxa dib u dayactirka dhismaha oo uu sheegay in muddo gaaban dib loogu howl gelin doono.

Safiirku wuxuu sheegay in Dowladda KMG ay ka go’an tahay in si dhaqse ah loo howl geliyo safaaradda oo sanado badan oo dacwo ah kaddib dib loo helay, wuxuuna sheegay in qiimeyntaan loo gudbin doono Dowladda Dhexe oo bixineysa qarashaadka lagu dhisayo.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed cali Nuur Ameeriko ayaa xaflad ay xukuumaddu ugu sameysay Muqdisho ka codsaday in si deg deg ah loo dayactiro Safaaradda oo uu sheegay in baahi loo qabo waqtigaan, waxayna hadda safaaraddu ku shaqeysaa guri kiro ah

Axmed Deeq Kenya

Related Items


Leave a comment