Waxaa La Gaaray Xilligii Geyiga Soomaaliyeed Lagu Fidinlahaa Gogoshii Nabadgalyada U Horseedilahayd Soomaaliya

Wednesday January 12, 2011 - 19:23:37
1 Comments
5088
Super Admin
Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu. Ilaahay ayaan u mahadcelinayaa, noo doortay diinta islaamka iyo kamidnoqoshada ummada Nabigeena Suuban Muxammad S.C.W.
Walaalayaal,sida aan ogsoonahay tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe26janaayo1991,waxaa soomaalida loo qabtay qiyaastii 13 shir oo ahaa dib-u-heshiisiin aymaamulayeendawlado shisheeye,laguna qabtayDalka soomaaliya Dibadiisa.Mirihii iyo natiijadii ka soo baxday shirarkaas waan ka wada dharagsanahay,maadaama dalka soomaaliya dib u dhac, colaad, amaan daro iyo dhimasho iyo dhaawac iyo barakac mooyaane aysan wax qabsoomay oo dalkii iyo dadkii ku soo kordhay aysan jirin.Waxaa ila haboon in lagu dadaalo oo geed gaaban iyo mid dheerba loo fuulo sidii shirarka ama xal u helista wadooyinka lagu baadigoobayo mudada soo socota lagu fara adaygo in dalka gudihiisa soomaaliweyn gogol loo dhigo, laguna casumo, Odaydhaqameedka, waxgaradka, aqoonyahannda, ardayda, rag iyo dumar iyo dhammaan inta ay ka go`do talada iyo aayaha (mustaqbalka) ummadu.

Dhowr iyo Tobanka shir ee dib-u-heshiisiintaee horay loo qabtay sababaha ay u miradhaliwaayeen,waxaan u malaynayaa inay kamidyihiin xubnaha kala matalayay degaanada iyo beelaha soomaaliyeed oo aankalsoonika haysan ummada ay matalayeen iyo iyagoo aan lagu soo xulin qaab laxiriiraAqoon,Xilkasnimo,Hufnaan,u carbisanaan dawladnimo iyo Qaranimadu Qiimahaay leedahay maadaama Qabyaalad iyo Hogaamiye kooxeednimadii horay dadka lagu soo xulay ay nadhigtay meesha aan maantay taaganahay ayna na baday20sano oo dawlad laÄ…anah,asaageena aynaga reebtay 50sano!

Waxaan naftayda iyo qofwalba oo leh damiir muwaadin islaamnimo,soomaalinimo,kana murugaysan xaalada cakiran ee dalku ku suganyahay kula dardaarmayaa inaan ku dadaalno sidii loo samata bixinlahaa walaalaheena muslimiinta-soomaaliyeed ee colaada,tahriibka badaha iyo xerya qaxootiga ku dhibaataysan gudaha dalka iyo wadamada dariskaba.

Waxaa kaloo ilatahay in la abuuro wacyigalin gudaha dalka iyo dibadaba laguna dadaalo sidii loo helilahaa fikrad loo dhanyahay oo u gogol xaarta sidii shirka soo socka loogu qabanlahaa dalka gudihiisa iyo in soomaalidu katashato aayaheeda/mustaqbalka aana ogaano habka kaliya ee looga bixikaro faraginshisheeye iyo dano lid ku ah mustaqbalka dadkeena iyo dalkeena oo u adeegaya shisheeye ay ku xirantahay soomaalida oo isku duuban,kuna tashata wixii ay goÄ…ansadaan inuusan shisheeye iyo ajnabi helayn meel uu u soo maro ilaahay idanki.

Sida ku xusan Maqaalka af-ingiriiska ku qoran ee hoose,inay magaaladaMuqdisho ku dhinteen dada tiradoodu tahay 4260 ruux 2009-2010,waa Naxdin iyo murugo aad u wayn u baahan in loo fakaro dhimashadaas iyo colaada ka aloosan Koonfurta Soomaaliya,gaar ahaan Caasimada Dalkeena Hooyo,Muqdisho,sidii loo soo afjarilahaa oo loo helilahaa sidii Caasimadu u helilahayd Nabadgalyo iyo Xasilooni,kuligeena aan kawada shaqayno,intii karaankeena ahna aan ku bixino dadaal aan loo kala harin,jid walba oo horseedaya samatabixinta dadka tabaalaysan iyo soo afjarida colaada dabadheeratay iyo Baadigoobida Jidka Nabadda.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu koonfurta soomaaliya,gaar ahaan MUQDISHO,ku soo dajiyo Nabadgalyo waarta,amaan sugan,colaada oo lagu badalo walaalnimo iyo istixgalin iyo inuu Ilaahay Cazawajalla na fahamsiiyo Qiimaha iyo Xurmada ay leedahay Nafta Bani-aadamka iyo in Dalka soomaaliya intiisa kale iyo dunida islaamkaba ilaahay ka dulqaado Colaadaha iyo Musiibooyinka dib u dhaca u keenay amaankooda iyo mustaqbalkooda,AAMIIN,AAMIIN,AAMIIN.



Wabilaahi Towfiiq
C/raxma
Afeef: Aragtida maqaalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Related Items

Comments


Leave a comment