BTS: Jamacada Carabta oo Hospital Cusub ka furtay Muqdisho

Friday January 14, 2011 - 19:50:53
0 Comments
930
Super Admin
Jaamacada Carabta ayaa dardar galinaysa Hormarinta arimaha Bulshada ayda oo ku howlan uga dambaytii hada waxqabadyo ka bilowday Modsho.

Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cabdalla Idiris ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu dowr muuqda ay ka qaadan doonto arrimaha Soomaaliya, ayadoo fulineysa codsigii TFG ee Sirta iyo taageero kale oo badan.

Dhawaan ayuu sheegay in Jaamacadda Carabtu ay dalkan ka hirgelin doono 3 Isbitaal oo ah kuwa wareega, waxayna ka qeyb qaadan doonaan hormarinta adeegga bulshada.

Hay’adaha Gargaarka ee dalalka Carabta ayuu sidoo kale sheegay in ay gargaar ka fulin doonaan gudaha dalka si loo caawiyo dadka walaalahooda ah ee Soomaaliyed.

Danjire Maxamed cabdalla idiris ayaa Dowladda KMG ee Soomaaliya u sheegay in waddamada carabta ay qaateen mowqif mideysan oo ay ku taageerayaan dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu yahay mid ka mid ah walaalaha Jaamacadda kana tirsan

Axmed Wasare bts online

Related Items


Leave a comment