BTS: Shufti badeed somaliya oo gacanta ku dhigay markab wayn oo Kiimiko sida

Sunday January 16, 2011 - 11:01:37
0 Comments
1300
Super Admin
Shufti Badeeda Weerarada ku qaada maraakiibta Caalabka u kala gooshta ee ayaa gacanta ku dhigay markab wayn oo kiimiko sida kaas oo ay ka soo qabteen meel ka baxsan biya somalia.
Markabkan ayaa la sheegey in laga leeyahay wadanka koofur kuuriya,waxaana markabkaasi laga soo qabsadey meel ka baxsan biyaha dalka soomaaliya oo ku dhawaad kun meyl u jirta.

Markabkan ayaa la sheegey inay saaran yihiin badmaaxayaa gaaraya 21 shaqaale ah kuwaasi oo u kala dhashay wadamada Induniisiya,Barma, Kuuriya,waxaana la sheegey in dhamaantood caafimaad qabaan.

Burcad badeeda soomaaliyeed ayaa la sheegey inay markabkaasi daba gal ku hayeen ilaa & intii uu ka soo shiraacanayey magaalada xeebta ah ee dalka Imaaraadka.

Markabkan ayaa la sheegey inay burcad badeedaasi ula soo dhaqdhaqaaqeen dhinaca xeebaha dalka soomaaliya,waxaana lagu wadaa inay xeebaha burcad badeedu ku xirtaan inay ku soo xiranayaan markabkaasi saacadaha nagu soo aadan.

Abuukar BTS Online Netherland

Related Items


Leave a comment