BTS: Madaxwayne Shariif oo la filayo inuu u duulo Dalka Masar Magalada Sharmasheekh

Monday January 17, 2011 - 10:41:54
0 Comments
925
Super Admin
Madaxwayne Shariif ayaa la filayaa saacada soo socda in uu u kicitimo wadanka masar oo kullan ay ku yeelanayaa Jaamacada Carabta asaga oo hada ku sugan Airport Djabuti oo shalay uu gaaray.

Madaxweyne shariif waxa safarkiisa ku weheliyey taliyaha booliska soomaaliyeed Cali Maxamed [ Cali madoobe ],waxaana ay Jabuti u gaareen inay tababar u soo xiraan cidamo boolis ah oo tababar u dhamaaday.

Marka tababarkaasi dhamaado waxaa lagu wadaa Madaxweyne Shariif & wasiirka maaaliyada dawlada kmg ku inay u kicitimaan dalka Masar halkaasi oo uu ka dhici doono kulan looga hadlayo dhaqaalaha oo ay yeelanayaan jaamacada carabtu.

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in Jamaacada carabtu balan qaadyo ugu sameyso dawlada kmg ah ee waqtigeedu yar yahay,waxaana kulankaasi yahay mid diirada lagu saari doono dhaqaalaha wadamada jaamacada carabta.

Axmed jaamac Sharmashiikh BTS

Related Items


Leave a comment