BTS: Maxamed Cumar Xabeeb oo shabab eeday kulul u jeeidyey

Wednesday January 19, 2011 - 10:24:20
0 Comments
1330
Super Admin
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bannadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa shir uu ku qabtay Magalada Muqdisho ku tilmamay shabaab dad wata dano aan la fahmi karin.

Maxamed Cumar Xabeeb waxaa uu daboolka ka qaadey in Mujaahidiinta Alshabab ay idaacadaha magaalada Muqdisho ka sii daayaan Nashiidooyin kala duwan kuwaasi oo uu sheegey inay kala yimaadeen wadamo shiisheeye.

Maxamed dheere waxaa uu ku eedeyey mujaahidiinta shabab ay caburin ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku sugan gobollada koonfureed,waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in talaabo laga qaado Alshabab.

Maxamed Dheere waxaa uu xusay in Mujaahidiinta Shababa joojiyeen luuqadihi lagaga hadli jirey dalka soomaaliya,waxaana uu sheegey inay af carabi & nashiidooyin badan oo aan luuqadooda la aqoonsan wadamada lagaga hadlo.

Maxamed dheere waxaa uu baaq u diray beesha caalamka isagoo ugu baaqey inay wax badan ka qabtaan xaalada dalka soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay Al qaacida la xiriir leeyihin.

Salaad Warsan Xusen

BTS Online

Related Items


Leave a comment