Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan oo loo magacaabay xilka ugu sarreeya fulinta dowladda.

Wednesday September 28, 2022 - 09:16:31
0 Comments
353
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meereysane media
(RIYAD): Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa loo magacaabay Madaxa xukuumada dowlada boqortooyada sucuudiga, waxaa sidaas lagu sheegay isku shaandheyn dhacday Talaadadii.

Tallaabadan ayaa rasmi ka dhigeysa awood horey gacanta ugu jirtay Amiir Maxamed, kaasi oo sanado badan ahaa hoggaamiyaha dhabta ah boqortooyada, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha.

Madaxda kale ee wasaaradaha muhiimka ah sida; arrimaha gudaha, dibedda iyo tamartka ayaan isbeddel lagu sameyn, sida ku cad dikreetada Boqor Salmaan oo ay daabacday wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.

Amiir Maxamed oo 37 jir noqday bishii tagtay, ayaa ahaa qofka sugaya inuu aabihiis ka beddelo xilka boqorka tan iyo 2017.

Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii ugu dambeeyey isku dayeysay inay beeniso wararka ku saabsan xaaladda caafimaad ee boqorka 86 jirka ah, oo dalka saliidda hodanka ku ah xukumayey tan iyo 2015.

Sanaddii 2017, waxay ku gacan sayrtay warbixino ku saabsanaa in boqorka uu qorsheynayey inuu ka dego xilka kuna wareejiyo wiilkiisa Amiir Maxamed.

Sikastaba Amiirkaan sugaya geerida aabihiis ayaa hada heysta awood dheeri ah taas oo u ku maamulayo hay'ada fulinta boqortooyada sucuudiga.

Related Items


Leave a comment