Maxamed Cabdi Waare oo loo magacaabay ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD (dhagayso) 

Sunday December 10, 2023 - 13:06:31
0 Comments
110
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa SONNA u xaqiijiyay in Urur Goboleedka IGAD uu u magacaabey Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magacaabista kuxigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

"Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Mudane Maxamed Cabdi Waare oo horay u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle, soona noqday Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyada ee arrimaha xasilinta ayaa laga filayaa in wax wayn ku soo kordhiyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay IGAD, isagoo ka hoos shaqeyn doono xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment