BTS: Dalal ay ka mid tahay somaliya oo QM lacag ugu talo gashay

Wednesday January 19, 2011 - 11:10:52
0 Comments
1068
Super Admin
Wadamo ay ka mid tahay dalka somaliya ayaa jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa ugu tala gashay lacag ku dhow 100 Millyan.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ayaa ku dhawaaqday in ay 84-Milyan oo dollar-ka Maraykanka oo ay ugu talagashay dadka iny gaarsiinayso dadka ay saameeyeen abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dagaalada ee wadama Caalamka oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Valerie oo ah madaxa howlaha bini’aadanimada ee Jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa aaya shaaca ka qaaday in lacagtaasi loogu talagalay ilaa iyo 15-wadan oo ah wadamada ugu qatarsan dhinaca bini’aadanimada islamarkaana qeyb ay ka tahay howlaha gurmedka deg dega ah ee Qaramada Midoobay ay ugu talagashay inay kaga jawaabto dhibaatooyinkaasi.

Waxaa uu sheegay in 15-Milyan oo doolar-ka Maraykanka ah oo ka mid ah 84-Milyan loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed oo ahaatan ah kuwa haysta dhibaatooyin aad u adag sida abaaraha, nafaqo darida, barkaca iyo dagaalada.

Valerie waxaa uu intaasi ku daray in wadamada dhowr ah oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Jad, Falastiin, Burundi iyo wadamo kale oo farabadan ay u qorshaysantahay inay gaarsiiyaan gar gaarka ka badan inta hadda ay qaramada Midoobay ay sheegtay.

Hadalka kasoo yeeray Jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa ayaa waxaa uu imaanayaa xili qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya uu la daalaa dhacayo abaaro ka jira taasi oo ay ugu geeriyoodeen dad farabadan oo u badankooda ah Caruur iyo dad da’ah.

Sadiq Axmed BTS online


Related Items


Leave a comment