BTS: Gobolada Somaliya oo dhan oo abaartu saamaysay

Thursday January 20, 2011 - 11:00:56
0 Comments
857
Super Admin
Dhamaan Gobolada Dalka somalia waxaa saameeyey Abaarta iyo biyo la'aanta ka jirta dalka marka laga soo bilaabo Koonfur Puntland iyo waliba Somaliland.
Gobollada dalka somaliya oo dhan ayaa si weyn looga dareemayaa abaarta adag ee ka dalka jirta,waxaana jira dad badan oo ka soo cararayaa miyiga isla markaasna biyo u soo doontey magaalooyinka gudahooda.

Sidoo kale dadkaasi waxay dhibaato kala kulmeen gudaha magalooyinka waa weyn waayo waxaa ay kala kulmeen biyo qaali ah,waxaana meelaha qaarkood foostada biyaha macaan laga siinayaa 200 kun oo shilin soomaali ah taasi oo aysan badankooda awoodin.

Dhanka kale guud ahaan gobolada dhexe & koonfurta soomaaliya ayaa laga soo sheegaya abaar la mid ah midda hadda ka jrita gobollada waqooyi ee dalka soomaaliya,waxaana abaartani tahay mid qaylo ba,an kaga yeedhisey soomaalida ku dhaqan koonfurta soomaaliya.

Ilaa & hadda ma jiraan cid ka tirsan hay'adaha calamiga ah ee ku sugan dalka & dibediisa isla markaasna ka jiraan cid ka tirsan ganacsatada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka oo tageerom u fidiyey dadkaasi abaartu saameyn ku yeelatey.

Axmed Saciid Khaliid

Related Items


Leave a comment