BTS: Raisalwasaraha Somalia ayaa la kulmay Dhigisa Dalka Talyaniga Magalada ROMA

Friday January 21, 2011 - 20:02:21
0 Comments
884
Super Admin
Raisalwasaare Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la kulmay Dhigiisa Barskoni ee dalka Talyani .

Raysalwasaaraha soomaaliya mr maxamed cabdulaahi maxamed oo hadda ku sugan magaalada Rome ee dalkaasi talyaaniga ayaa ka warbixiyey wada hadalo uu la yeeshay dhigiisa dalkaasi talyaaniga.

Raysalwasaaraha soomaaliya waxaa uu sheegey inuu kulankaasi ahaa mid muhiim ah dadka & dawlada soomaaliya,waxaana uu sheegey in kulankaas ay kaga wada hadleen sidii dawlada talyaanigu gacan uga geysan lahayd dhibaatada ka jirta soomaaliya.

Farmaajo waxaa uu soo qaatey wadamo reer yurub gumeysan jireen oo dhibaatooyin ka jiri jireen,waxaana uu sheegey in wadamadaasi oo afrika ahaa inay u soo gurmadeen wadamadii gumeysan jirey isla markaasna xal u heleen dhibaatadii ka jirtey wadamdaasi oo kala ahaa ,liberia,Ivory cost & wadamo kale oo badan.

Raysalwasaaraha soomaaliya waxaa kale oo uu dawlada talyaaniga ugu baaqey inay gacan ka geysato sidii wax badan loga qaban lahaa dhibaatada ka taagan soomaaliya,waxaana uu ku baaqey in dib loo soo celiyo xiriirkii labada dal.

Maanta oo jimce ah ayaa lagu wada inuu raysalwasaraaha soomaaliya Jaamacada Rome ka jeediyey khudbad dheer oo ka hadlay xaalada soomaaliya,waxaana uu halkaasi kula kulmi doonaan masuuliyiin sar sare.

Axmed Shiikh AXmed

Related Items


Leave a comment