BTS: ciidanka Bada Malaysia ayaa soo furtay Markab qabtana Burcad Badeed Somaliya

Saturday January 22, 2011 - 10:03:01
0 Comments
1211
Super Admin
Ciidamada Bada malaysia ayaa Gacanta ku dhigay Burcad badeed ka dib markii ay awooda kaga soo furteen markab ayaga oo hada burcada laga hayo markabka dushiisa ayaa tiradooda lagu sheegayaa ilaa 8 nin .
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Malaysiya ayna saaran yihiin ciidamo kumandos ayaa wax ay xoog ku soo furteen markab laga leeyahay dalka Malaysiya isla markana siday Kimiko ayna qafaasheen burcad badeed Somalia ah , iyaga oo sidoo kale soo bad baadiyay 23 shaqaalihii saarnaa markabka shalay goor hore

Markabkan la qafaashay ayaa waxa la sheegay inuu usocday dalka Singapore isla markana uu siday xamuul lagu qiyaasay inuu ku fadhiyay lacag 10 milyan oo dollar

Ciidamada kamondoska ayaa waxa uu qaylo dhaan ka helay markabkan oo lagu magacaabo MT Bunga Laurel kadib markii ay burcad badeed ku hubaysan qoryaha AK 47 ay fuuleen isla markana ayla wareegeen markabka

Taliyaha ciidamada badda ee dalka Malaysiya Admiral Abudl Aziz Jaafar ayaa waxa uu sheegay in ciidamada comondoska oo ilaalinayay markab ganacsi oo marayay goobtas ayka jawaabeen qaylo dhaan ugu timi markabkan la soo furtay,waxana uu sheegay in diyaaradaha qumaatiga ukaca ay sidoo kale ku lug lahaayeen weerarka ayku qaadeen burcad badeedka waxana uu sheegay inuu arkay in uu arkay saddex burcad badeedka ka mid ah oo dhaawac ah.

Raysal wasaaraha dalka Malaysiya ayaa isagu amaanay jawaabta deg deg ah ee ay qaadeen ciidamada komondoska Malaysi.

Ciidamada komondoska ee dalka Koonfur Kuuriya ayaa waxa ay shalay xoog ku soo furteen markab nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay Koonfur Kuuriya kaas oo ay qafaasheen burcad badeed Somaliya,waxayna halkaas ku dileen 8 burcad badeedka Somaliya iyaga oo soo bad baadiyay 21 shaqaalaha ah oo saarnaa isla markana gacanta ku dhigay 5 burcad badeedka ah

Related Items


Leave a comment